Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Cali Akhbar Velayati oo haatan ah La-taliyaha Hoggaamiyaha Sare ee Diinta ee dalka Iiraan, Ayatullaahi Cali Khamanii ayaa weji-gabax kala kulmay Muuqaal Jeesjees ah oo uu wax kaga sheegay Walaalaheenna Jabuuti.
Velayati oo muddo 16 sanno hayey xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan ayaa waxa uu qoraal Jeesjees ah soo dhigay Barta uu ku leeyahay Aaladda Stagaram, wuxuuna si aan Anshax Diplomaasi lahayn isku weydiiyey Barta ay Jabuuti kaga taallo Khariidada Calaamka.
Siyaasigaasi oo Aaladda Isku-xirka Warbaahinta Bulshadda ee Stagaram ku leh Cinwaanka ah @Velayati_Iran waxa uu bartiisa soo dhigay Isagoo hor taagan Khariidada Caalamka, fartana si jeesjees ah ugu haya halka ay Jabuuti kaga taallo Geeska Afrika.
Siyaasigaasi waxa uu mucaarado kala kulmay arrintaasi, waxaana lagu sifeeyey Diplomaasi Cunsuri oo Xag-jir ah.
Hadalladda jees-jeeska ee uu ku qoray bartiisa ayaa timid, maalmo kadib, markii ay Dowladda Jabuuti xiriirka Diplomaasiyadeed u jartay Dowladda Iiraan.
Ma aha Siyaasigaasi oo keliya kuwa Erayadda xun ka yiri Go’aanka Dowladda Jabuuti ku jartay Xiriirkii Dowladda Iiraan, ee waxaa kale oo jira Komikiste iyo Gabyaa Iiraaniyiin ah oo iyaguna si cadiifad liidata wax uga sheegay Dalka Jabuuti oo horey u cambaaraysay weerarkii ay Iiraaniyiinta ku gubeen Safaaraddii Sacuudiga ku lahaayeen caasimadda dalka Iiraan ee Tehran iyo Qunsuliyaddii Sacuudiga ee ku taallay magaalladda Mash-had ee Iiraan.
Waxaa Turjumay Axmed Xaaji Ugaaska.
Xigasho: Aawsat
©Radio Dalsan