Britain iyo Kenya oo iska kaashanayo  La-dagaalanka Xag-jirnimadda iyo Argagixisadda.

Ergayga Sare ee Dowladda Britain uga wakiilka ah Kenya, Nic Haily ayaa sheegay inay Dowladda Kenya kala shaqeynayaan sidii looga guuleysan lahaa cabsida ay wadaagaan ee  kala ah Argagixisadda, Xag-jireynta iyo Xag-jirnimadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkaasi ku sheegay mar uu Telefoonka kula hadlay Xiriiriyaha Gobalka Xeebta ee Kenya, Nelson Marwa, wuxuuna xusay  inay isku xiran yihiin Ammaanka Kenya iyo Britain, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu tilmaamay in cabsida ugu weyn ka imaanayso Dhallinyarradda, loona baahan yahay in loo abuuro Shaqaooyin, si aysan looga dhigin Xag-jirayaal, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ergayga Dowladda Britain uga wakiilka ah Kenya, Nic Haily waxa uu tilmaamay in la caddeeyo dhallinyarada aan shaqeynin, si looga hor-tago in la dhalan-rogo Aragtidooda.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka Kenya, isla markaana lagu jiro qabanqaabadda lagu xusayo Sannad-guuradii Koowaad ee Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Jaamacadda Garissa oo ay ku geeriyoodeen 148 qof oo u badnaa Ardaydii dhiganaysay Jamaacadda.

Munaasabadda lagu xusayo Weerarkaasi oo dhacay Bishii April 2-dii ee sannadkii hore ayaa lagu qaban doonaa magaallooyinka Nairobi iyo Garissa.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor