Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxaed Xuseen Odawaa, ayaa maanta lagu wadaa in uu kulamo la qaato, masuuliinta maamulka Galmudug.
Ujeedka socdaalka wasiirka ayaa lagu sheegay, dhowr arrimood oo isugu jira amniga, doorashooyinka iyo dib u heshiisiin laga dhex wado Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegay in uu maanta tagi doono, degmada Godin-labe, oo ay shalay la wareegeen maleeshiyo hubeysan.
Masuuliyiinta Ahlusuna waljamaac, oo la hadlay idaacadda Dalsan, waxaa ay sheegeen in aysan ka warqabin kulamada la sheegayo in uu la leeyahay.