Howlgallo qorshaysan oo Ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen Jubbada Dhexe

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Sunguuni ee gobolka Jubadda dhexe, waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab. Deegaanka Sunguuni ayaa ah, mid istiratiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba.

Sidoo kale howgalka laga sameeyey degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda Hargeysa Yareey ayaa lagu gubay gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro ka tirsan Al Shabaab.

Howlgalladan oo ahaa mid is dhaba joog ah ayaa laga sameeyay degmadda Saakow oo saldhig weyn u ah Alshabab waxaana lagu dilay hogaamiyaal  muhim ah oo dib loo faahfaahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.

Ugu dambeyn, abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo  Al-shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo, sida uu hadalka u dhigay

—-DHAMMAAD—–

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor