Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa magacaabay Agaasimeyaal cusub oo kamid ah noqonaya shaqaalaha Wasaaradda.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Mukhtaar Xuseen kuna taariikheysneyd 22-kii bishaan May ayaa waxaa uu ku magacaabay Afar Agaasime Waaxeedyo cusub, kuwaasi oo qabanaya shaqooyin hor yaalla Wasaaradda Arrimaha gudaha.
Wasiir Mukhtaar Xuseen ayaa Agaasimaha Waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta u magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi laga dhigay Agaasimaha Waaxda dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta ayaa Agaasimaha Waaxda xiriirka iyo Warfaafinta ka dhigay Abshir Macalin Maxamed, waxaana sidoo kalena uu magacaabay Agaasimaha Waaxda Hay’adda aan dowliga aheen.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee Agaasimeyaasha cusub.