Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay geeridii Majaajiliiste Sooraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay geerida ku timid Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo siweyn loo yaqaanay deegaanada Soomaalida oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Burbo ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Maxamed Dubbe oo Qoraal uu soo saaray ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh ugu diray Eheladii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Sooraan.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta dowladda Cismaan Dubbe oo sheegay in Sooraan uu ahaa hal abuure iyo jilaag hal-door ahaa.

Abwaan Sooraan Ismaaciil ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray.

Allaha u naxariitee Sooraan ayaa waxaa uu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor