Wafdi ka socda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa barqanimadii Maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Maamulka degmada iyo xubno kale.
Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka howlaha Guud ee Hirshabeelle, waxaana qeyb ka ahaa Wasiirka Maaliyada Maxamed Cabdulle, Wasiirka Ganacasiga iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda xilgaarsiinta.
Ujeedka wafdiga gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu yahay sidii ay dhagax u dhigi lahaayeen Mashaarcii horumarineed oo la qorsheeynayo in laga fulinyo Baladweyne.
Inta ay ku sugan yihiin wafdiga ayaa waxaa ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan Maamulka degmada Baladweyne iyo kan Gobolka Hiiraan, iyagoona ka xog-wareysan doona xaaladihii ugu dambeeyay ee fataahada Webiga Shabeelle.