Wasiirka Qorsheysan Xukuumadda Soomaaliya Xidhibaan Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo deegaanada Puntland ayaa ka haray wafdi ballaaran oo isugu jiray Xildhibaano labada Golle ee Baarlamaanka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe.
Wafdigaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kuwaasi oo Garoowe ka qayb geli doona shirka wadatashiga Puntland ee uu Iclaamiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiir Jamaal uusan ka qeyb geli doonin Shirka wadatashiga Puntland ee maalinta berri furmaya, waana Wasiirka kaliya ee kasoo jeeda Puntland oo ka maqnaan doona shirkaas.
Sababta uusan Wasiir Jamaal uga qeyb galeyn Shir ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Bulshada ku dhaqan deegaanka uu kasoo jeedo ay tabashooyin ka qabaan maamulka Puntland, isla markaana uu Wasiirka Go’aansaday inuusan ka qeyb gelin shirkaas.
Shirka wadatashiga Puntland ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Dowladda Federaalka kana soo jeeda Puntland iyo xubno kale oo lagu Casuumay Shirkaas oo ah mid siweyn loo hadal haayo,
Shirka Wadatashiga ah ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Aayaha Maamulka Puntlland, Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulkaas iyo qodobo kale.