Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa  soo hadal qaaday in wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland  ay socdaan dadaallo ku aaddan arintaasi, isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan Dhab u heshiisiinta Qaran ee dalka laga hirgelin doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dedaal badan lagu bixiyey  sidii loo baajin lahaa loona heshisiin lahaa colaadihii ka jiray deegaanno ka tirsan Galmudug,  waxaana Tubta siyaasadda loo dhan yahay qeybta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku xusan Halbeegyada dhaqangelinta Dhab u heshiisiin Qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media