Nin hubeysan oo dhowr qof ku dilay xarun dhaqan celin oo ku taalla Magaalada Cadaado

Wararka Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaacalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in nin hubaysani uu dhowr qof ku dilay xarun dadlka lagu dhaqanceliyo dadka oo ku taal bartamaha magaalada Cadaado.

Weriyaba dalsan ee magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in qof ka mid ahaa dadka lagu xanaaneyn jirat xaruntaas baxsadayna maalma ka hor in uu maanta ku soo laabatay xarunta isaga oo hubaysan isla markaana uu toogtay mid ka mid ah ilaalada xarunta

Ciidamada amaanka oo gaaray xarunta la weeraray ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay weerarka uu ku dhintay Maamulihii xaruntaas,waxaa kale oo la sheegay in Cisbitaalka Magaalada la dhigay mid ka mid ah ilaalada xarunta oo dhaawac culus oo gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media