Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS oo sheegtay in la qabtay dad ku dhoofi lahaa Dukumentiyo la Been Abuuray.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inay Ciiddanka Ammaanka gacanta ku dhigeen Shaqsiyaad ka dhoofi lahaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray in dadkaasi lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab, isla markaana doonayeen inay ka dhoofaan Garoonka Muqdisho iyo kuwo ku yaalla Goballadda dalka.

Wasiir C/risaaq waxa uu tilmaamay in 20 ka mid ah lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde, kadib, markii la ogaaday inay wateen Dukumentiyo la been abuuray, waa  sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu ka hadlay Ammaanka Muqdisho, wuxuuna xusay in la xoojinayo Ammaanka muddada ay socdaan Doorashooyinka soo socda.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor