Boliska Turkiga ayaa la sheegay inay maanta xireen Tifaftirihii Guud ee Wargeyska Jamhuuriyeet, Muraad Sabunju iyo Qoraa ka shaqeeya Wargeyskaasi oo lagu magacaabo Guray OZ.
Dacwad-oogayaasha dalkaasi ayaa soo saaray Amar lagu soo xirayo 13 Hawl-fuliyayaal iyo Qorayaasha Wargeyska Jamhuuriyeet, oo uu ku jiro Guddoomiyaha Dabacaadda Wargeyskaasi.
Jamhuuriyeet ayaa can ku ah inay si kulul u naqdiyaan Dowladda Turkiga, waxayna Dareenka Caalamka ku soo jeediyeen sannadkii hore, kadib, markii ay baahiyeen inay Sirdoonka Turkiga gawaari siday Hub u direen Dagaalamayaasha ka soo horjeeda Dowladda Syria.
Dowladda Turkiga waxay mid ka mid ah Qorayaasha oo lagu magacaabo Kaan Dundar ku xukuntay 6 sanno, kadib, markii uu daabacay Sirta Qaranka.
Kaan Dundar oo haatan ku nool Jarmalka waxa uu meesha ka saaray inuu ku soo laabto dalka Turkiga ilaa laga qaadayo Xukunka Degdegga.
Dhinaca kale, Wargeyska Yeni Safka ee taabacsan Dowladda Turkiga ayaa ku sheegay Websaytkooda in Suxufiyiinta la xiray la baarayo Eedeymaha sheegayo inay xiriir la leeyihiin Fatxullaahi Gulen oo la tuhunsan yahay inuu ahaa Hoggaamiyihii Afgembigii Fashilmay ee bartamihii bishii July ka dhacay dalkaasi.
©Radio Dalsan