Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowldda Dhexe kaas oo mudo todobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho.
Munaasabada gabagabada Shirka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa khudbadana ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare kheyre Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.
Shirkaan oo daba dheeraadaya ayaa ugu dambeyn Madaxdii ka qeyb galeysay waxa ay soo saareen Warmurtiyeed ay uga hadlayeen Qodobadii ay ku heshiiyeen oo uu Warbaahinta u Akhriyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Sciiid Juxa.
Hoos Ka Dhageyso:- Codka kana Akhriso Warmurtiyeedka oo dhameystiran.