Qaar  ka mid ah Guddiga Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa  Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddiga ayaa Maanta waxa ay la kulmeen Difaaca,Maaliyadda iyo Gaadiidka
Ugu horeyn Guddiga Difaaca ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Cabdiweli Jaamac Gorod kulankaan ayaa daba socday kulamo xariir ah oo maalmahaan Guddiga la lahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaan-dhiga.
Waxaana looga hadlay sida ugu haboon ee Dib u qaabeyn loogu samayn karo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Mudane Xussen Carab Ciise ayaa ka hadlay kulanka Maanta uu Guddiga Difaaca la yeeshay Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Cabdi-weli jaamac Gorod.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xuseen Carab Ciise.