Qarixii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay dad badan oo ku nool Magaalada Muqdisho.
Dadka uu saameynta ku yeeshay ayaa waxaa ka mid ah Wariyeyaasha,waxana Wararka aan heleyno ay sheegayaan in lagu la’aa Wariye Xamdi Cabduqaadir oo ka howlgasha Bulsho Tv Xaruntiisa muqdisho balse markii dambe la helay.
Wariyaha ayaa xilliga uu qaraxa ka dhacayay waxa ay saarneyd Gaariga gobolka Banaadir ee lagu qaado Wariyayaasha kaas oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay,waxana gaariga saarnaa,iyada iyo Darawalka iyo qof kale kuwaas oo badbaaday balse Wariye Xamdi la’laa mudo ka badan hal saac wallow markii dambe la helay.