Koox Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka dalkaasi ayaa waxay Codsi-wadareed u direen Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (ICC), oo ay kaga codsadeen in la baaro dadkii lagu dilay iska horimaadkii Ciiddanka Ammaanka iyo Maleeshiyo beeleed dabayaaqadii sannadkii hore ku dhex maray Gobalka Rewenzori una dhow xuduudka dalka Koongada Dimuqraadiga.
Hawlgalkaasi waxaa lagu soo qabtay Hoggaamiye-beeleed lagu magacaabo Charles Wesley Mumbere iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa loo xiray Iska-horimaadkaasi.
Dhinaca kale, William Nazaghu oo ah Xildhibaan laga soo doorto Gobalkaasi oo ka mid ah Xildhibaanadda codsiga u diray Maxkamadda ICC ayaa sheegay in 200 o oqof lagu dilay Iska horimaadkaasi, inkastoo ay Dowladda Uganda sheegtay in la dilay 60-qof.
Dacwad-ooge ka tirsan Maxkamadda Caalamiga oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inay heleen Codsigaasi, isla markaana ay go’aan ka gaari doonaan.
©Radfio Dalsan