Tallabadda ay Xukuumadda Federalka sida KMG u xayireen Diyaaradaha shixnadaha Qaadka ka keeni jirey Kenya ayaa lagu sheegay inay tiid kadib markii laga war helay inay Xarakadda Alshabaab qorsheynayaan inay weeraraan Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Ilo dhinaca Sirdoonka ayaa sheegayo inay Alshabaab qorsheynayaan inay Weerarkaasi fuliyaan muddada ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha ka tirsan Urur-gobaleedka IGAD Shirka ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.
Madaxweynayaasha iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa la rajeynayaa inay maalinta Sabtida ee soo socota ka qeyb galaan Kulankaasi oo ka mid ah Shirarka Heerka Caalami ee lagu qabto magaalladda Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 1985-kii.
Ilaha Sirdoonka ayaa ku taliyey in si KMG loo joojiyo Diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya si KMG looga mamnuuco Hawada Somalia, si aysan Alshabaab fursad ugu helin inay Diyaarado la soo qafaashay ku soo weeraraan Garoonka mashquulka badan ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Dhinaca kale, Ilo-wareedyo ayaa sheegayo in sababaha looga dan leeyihiin Xayiraadda KMG ee la saaray Diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya inay tahay in la yareeyo Cabsida Weeraro ay Alshabaab ka fuliyaan Garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale, waxaa la hadal hayaa in Diyaaradaha kale ee Caalamiga ee isticmaala Garoonka Aadan Cadde la xadidi doono muddada uu Shirka Madaxda IGAD ku kulansan yihiin Muqdisho, si uusan Garoonka u noqonin mid ciriiri ah iyo inaan lagu soo dhex dhuumanin Rakaabka la socda Diyaaradaha Caalamiga.
Ilo-wareedyo ayaa sheegayo in Xayiraadda Dhaqdhaqaaqa Garoonka Aadan Cadde la qaadi doono marka la soo gebagebeeyo Shirweynaha Madaxda Dowladaha IGAD oo ay Hoggaamiyayaasha ka wada huleelaan Garoonka Aadan Cadde.
Ammaanka Guud ee magaalladda Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, gaar ahaan Madasha Shirka Madaxda IGAD iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Xigasho: The Star
©Radio Dalsan