Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Hay’adda Amniga PMPF ee Puntland oo xalay lagu dilay duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dilka loo geystay Sarkaalka uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xiga Magaalada Jowhar, wuxuuna Sarkaalka u geeriyooday rasaas uga dhacday qeybaha sare ee jirka.
Saraalka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan, waxaana la xaqiijiyay in dilkiisa uu yimid, kadib markii muran kooban oo aan faah faahin ka bixin uu dhex maray marxuumka iyo Nin hubeysan oo dilkaas u geystay.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ninkii hubeysnaa ee falka geystay uu si dhaqsi ah goobta uu dilka ka dhacay oo aheyd Laanta Hawada uga baxsaday, mana jiro weli wax ah oo kasoo baxay Saraakiisha Booliska Nugaal oo ku aadan dilka dhacay.
Dilka loo geystay Marxuum Bootaan Maxamed Bootaan ayaa kusoo aaday, iyada oo maalin kahor ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ay dileen Haweeney saarneyd Gaari rakaab ah oo soo dhex galay kolonyo galbineysay Saciid Deni.