Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi, Donald Trump waxa uu maanta Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi kula kulmi doonaa Kulanka Golaha Guud ee QM oo maanta ka furmayo magaalladda New York.
Sidoo kale, Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka, Hillary Clinton ayaa waxa iyadana u qorsheysan inay maanta la kulanto Madaxweynaha dalka Masar.
Labada Musharax ayaa danaynaya inay Kulankaasi uga faa’ideystaan Doorka ay Masar ku leedahay Arrimaha Bariga Dhexe iyo La-dagaalanka Kooxaha Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisadda.
©Radio Dalsan