Waxaa goor dhow lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ay ka bilaabato Doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland, xili uu taagan yahay khilaaf u dhexeeya Guddigaas oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.
Hoolka Afisyooni ayaa waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal.
Sidoo kale waxaa dadka jooga Hoolka kamid ah xubnaha Guddiga doorashada Somaliland garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana la sugayaa afarta xubnood ee Cabdi Xaashi.
Dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan Guddiga doorashada Somaliland ayaa haatan socda oo lagu doonayo in arrinta lagu dhameeyo, waxaana xalinta ku howlan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dadaalada la wado uu kamid yahay in labada Garab ay kala qaataan Guddoomiye iyo ku-xigeen, inkastoo aan weli aqbalaad rasmi ah laga helin labada dhinac ee Guddiga.
Afar ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ee ka yimid dhinaca Cabdi Xaashi ayaa xalay diiday inay ka qeyb galaan doorshada hoggaanka Guddiga oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.