Dhageyso:-Duqa Muqdisho oo soo saaray xeer lagula wareegayo Xarumaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Xeer uu soo saaray ku sheegay in dib loogala noqday dokumentiyada loo sameystay dhulkii Xarunta Ciidamada Badda (Ex-Marino) iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda ilaa iyo dhanka danbe ee xeebta Liido.

Sidoo kale Duqa Muqdisho  ayaa sheegay in dulkaasi markii horey uu ahaa mid dan guud ah,isla markaana qorshadan ay ujeedadiisu tahay in Caasimadda la tartanto Caasimadaha kale ee Aduunka.

Eng Yariisow ayaa hay’adaha dowlada Federaalka waxa uu ku wargeliyay in ay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan,kadib markii ay dowlada u wakiilatay maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho in uu Mas’uul ka yahay dhul bixinta iyo fasaxyada.

Ugu dambeyntii waxa uu digniin u diray dadka degan dhulalkaas,waxaa uu sheegay in cidii amarkaas jibiya ama u hogaansami weydo sharciga lala tiigsan doono.

Hoos ka Dhageyso Codka Duqa Muqdisho.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media