Wararkii ugu dambeeyay Ciidamadii ka socday dowladda ee degay Dhuusamareeb

Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa saakay ka degay diyaarado siday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka  Soomaaliya.

Ciidamada ka degay Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ka qeyb qaaadan doonaan adkeynta ammaanka magaaladaasi  oo martigelinaysa shirka dib uheshiisiinta Galmudug.

Ciidamadan ayaa la wareegay xarunta lagu qabanayo shirka dib uheshiisiinta Galmudug oo loo qorsheeyay inay degaan Ergada ka qey galeysa Shirkas iyo iyo garoonka diyaaradaha,si ay u xoojiyaan ciidamada ammaanka magaaladaasi.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la wareegay Xarunta Madaxtooyadda Magaalada Dhuusamareeb ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo xumo kale oo ku yaala halkaas.

Dhawaan ayay aheyd markii hogaanka Ahlusunna Waljameeca ay ka horyimideen in Ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya la geeyo deegaanada Galmudug,iyadoo ay xusid mudan tahay in diyaarado siday Ciidamo laga soo celiyay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media