Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in Maqaamka G/Banaadir looga hadlo Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay arrinta Maqaamka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso Shirarka Soomaaliya,waxaana uu ku baaqay maqaamka Gobolka Banaadir arrintiisa looga hadlo Magaalada Garoowe,isla markaana ay Xukumadiisa ay fidin toonto Gogosha Shirka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu cosaday in wada-hadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu qabtay Garoowe.

Isaga oo sii hadlaayay Deni ayuu tilmaamay in Arrinta Somaliland ay tahay caqabad hortaagan Dastuurka Soomaaliya.

Kulanka uu Madaxweyne Deni ka sheegay halkaas ayaa waxaa goobjoog  ka ahaa Madax ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland iyo Ra’iisul Wasaarihii ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media