Sawirro:-Wasiir Sabriye oo kulan la qaatay Taliska Qeybta 21-aad ee CXD

Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidammada AMISOM qeybta Hiiraan oo Dhuusamareeb uu Kulmay ayaa ka wada hadlay Xoreynta deegaannada Al-shabaab uga sugan yihiin dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo kulan la yeeshay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Taliyaha AMISOM qeybta gobolka Hiiraan ayaa kala hadlay sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa deegaannada fara ku tiriska ah ee ay kaga suganyihiin maamulka Galmudug.

Taliyeyaasha ayaa wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee deegaanada Galmudug,iyagoo sheegay  in ay wadaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin dowlad Goboleedka Galmudug.