Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay Shirkii Wasiirada Waasaaradda Maaliyada dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo shalay furmay.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo wadaagi lahaa dakhliga habka miisaaniyadda ee laga helay Bankiga aduunka kuna aadan hoos u dhicii miisaaniyadeed ee uu keenay Cudurka COVID-19 iyo ansixinta ku aadan qaab-wadaagga lacagaha loo diro Dowladda Federaalka iyo dodobo kale.
War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga saaray Shirkii u qabsoomay Wasiirada Waasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Wasiirada iyo Maamulka Gobolka ayaa ku heshiiyay in si wanaagsan oo lagu wada ganacsan yahay loo qeybsaday habkii Miisaaniyadda iyo hirgelinta nidaam Canshuureed oo qiimo ku saleysan, (Advalorem tax), kaas oo aan laheyn wax Canshuur kordhin ah iyo qodobo kale.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda, Wasiirada maaliyadda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.
Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka.