Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo ayaa sheegay inay bilaabeen hawlgal ay ku baadi-goobayaan Dagaalamayaasha Alshabaab ee dhaawaan weerarka u geystay Ilaalo ka tirsan Ciiddanka oo marayey Deegaanka Basuba oo ku dhaw Degmadda Lamu.
Afhayeenka waxa uu sheegay inay jiraan dagaalyahanno Alshabaab oo iyagoo dhaawac ah u baxsaday Dhul-kaymaha ee Boni Forest oo la rumaysan yahay inay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Jeysh Ayman oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab.
Afhayeenka waxa uu ka codsaday dadka deegaanka inay Saraakiisha Ammaanka gacan ka siiyaan Hawlgalka lagu baadi-goobayo Alshabaab, isla markaana ay soo sheegeen haddii ay arkaan shaqsi kasta oo ay ku yaallaan dhaawacyo rasaaseed.
Dhinaca kale, Â Xiriiriyaha Ammaanka ee Lamu, Chrispus Mutali ayaa sheegay inay suurtogal tahay in dagaalyahanno dhaawacmay laga heli doono Dhul-kaymeedka Boni Forest oo la rumeysan yahay inay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Jeysh Ayman ee Alshabaab.