Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno deegaanka Shabeelow ee hoostega deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay dagaalkii saakay halkaas ku dhexmaray Dad shacab ah iyo Al-shabaab.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo ah mid xoogan, waxaana halkaas ku geeriyooday in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan dad shacab ah oo la toogtay, iyagoo ku jira masaajido, halka dad ku dhow 20 qofna ay ku dhaawacmeen.
Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa markii dambe dagaalka ku biiray, isla markaana waxaa la sheegayaa in Al-shabaab xoogaa dib uga sikadeen deegaanka Shabeelow oo markii hore ay weerar dhowr jiho ku qaadeen.
Dad ku sugan tuulooyin ka fog Shabeelow ayaa sheegaya in dagaalka uu kusii fiday deegaan lagu magacaabo Fiqi Cali 18-KM ujira Shabeelow, waxaana dagaalkaas xoogan uu u dhexeeyaa Ciidanka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug, iyadoo la iskuna adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan Galgaduud oo ay uga hadlayaan dagaalka Culus ee ka dhacay Shabeelow, halka Al-shabaab warar ay qoreen bahooda ay ku sheegteen inay la wareegeen deegaankaas.