UNICEF oo Wakiil cusub u soo magacaawday Somalia balan qaadna sameeyay

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Sabti ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho waraaqaha aqoonsiga wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya, Dr. Mohamed Ayoya.

Balal Cusmaan ayaa u caddeeyay sida uu diyaar ugu yahay fududeynta howlaha UNICEF ay ka fulinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo loo marayo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Dhankiisa, Wakiilka cusub ee UNICEF ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay inuu wakiil uga noqday hey’addiisa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo u mahadceliyay Madaxda dowladda Federaalka.

Mohamed Ayoya ayaa carabka ku adkeeyay inuu dadaal ku bixin doono xoojinta wadashaqaynta iyo howlaha isku duwidda ee kala dhexeysa xukuumadda federaalka si wax looga qabto xaaladaha bini’aadanimo,  loona hirgeliyo barnaamijyada adeegga bulshada ee ku suntan dhallaanka, hooyada,  waxbarashada iyo caafimaadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor