Waqtiga ay ka dhaceyso Doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa daqiiqado kahor shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu Iclaamiyey in doorashada Guddiga Somaliland ay dhici doonto maalinta Sabtida oo taariikhda ku beegan tahay 7-ka bishaan Ogoosto, isla markaana ka dhici doono Teendhada Afisyooni.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa faray xubnaha Guddiga doorashada Somaliland in doorashadooda Guddoonka ku dhammeeyaan maalinta loo asteeyay, si looga fogaado dib u dhac mar kale ku yimaada Jadwalka doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay shaaciyay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddiga ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka lasoo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor