Maamulka Galmudug ayaa Maanta Arbaco ah soo saaray awaamiir lagu sugayo amniga deegaanada Maamulka gaar ahaan amniga Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.
Guddiga amniga Galmudug oo awaamiirta soo saaray ayaa mamnuucay gaadiidka iyo hubka sida sharci darrada ah loogu dhex heysto Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, ayna hubka ku heysan karaa oo kaliya Ciidanka amniga.
Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka ayaa la faray in aysan rasaas ku dhex ridi karin Magaalooyinka doorashada, isla markaana Askari hubeysan uusan ku dhex lugeyn karin marka laga reebo Ciidanka sugaya amniga doorashada.
Sidoo kale Galmudug ayaa mamnuucday in gaadiid dagaal iyo hub aan fasax looga heysan Maamulka laga soo dejiyo Garoomada diyaaradaha Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, sidoo kalena aan la aqbali doonin Ciidamo si sharci darro hub u heysta.
Ugu dambeyn Guddiga amniga Galmudug ayaa shacabka Magaalooyinka Maamulka ka codsaday inay la shaqeyaan laamaha amniga, si looga wax kasta oo keeni karo amni darro dhacda, iyagoona sheegay inay dagaal kula jiraan Al-shabaab.