Wafdi Maanta gaaray Degmo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo ujeedkooda

Guddoomiyaha Gobolka hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada feer-feer ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdiga Cali Jeyte ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Hiiraan, Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo Taliyaha Booliska Gobolka, waxaana feer-feer ku soo dhaweeyay Maamulka degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka wafdigaan ayaa waxaa uu yahay sidii Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu xariga uga jari lahaa Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada, sida ay sheegayaan warar la helayo.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa inta uu ku sugan yahay feer-feer waxaa saacadaha soo socda uu kulan la qaadan doonaa Maamulka degmada, isagoo kala hadli doona xaaladda guud ee degmada iyo adkeynta amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor