Siyaasiyiin hal Arrin looga mamnuucay inay Booqdaan Faransiiska

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Lubnaan laga mamnuucay Faransiiska, kadib, markii ay ku fashilmeen inay dhisaan Xukuumad.

Wasiirka oo Shir Jaraa’id ku qabtay Jesiiradda Malta ayaa waxaa uu ku eedeeyey inay Siyaasiyiintaasi ku kaceen Musuqmaasaq, inkastoo uusan faahfaahin kale bixinin.

Waxa kale oo uu sheegay inay Dowlada Faransiiska iyo Dowladaha Reer Europe ay qaadi doonaan Tallaabooyin ka dhan ah qaar ka mid ah Saraakiisha dalka Lubnaan ee weli ku lugta leh qalalaasaha Siyaasadeed ee ka taagan dalkooda.

Waddanka Lubnaan ayaa waxa uu bilaa Xukuumad ahaa tan iyo bishii August ee sanadkii hore, kadib, markii uu Ra’isul-wasaarihii dalkaasi, Xasan Dayib uu is-casilay, kadib, qarixii weynaa ee ka dhacay Dekedda Beyruut.

Tan iyo xilligaasi, Siyaasiyiinta dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku fashilmeen dhismaha Xukuumad Cusub, iyadoo Siyaasigaasi Rug-caddaaga ee Sacad Al-xariiri xilkaasi loo magacaabay bishii October ee sanadkii hore, balse, weli ma uusan soo dhisin Xukuumad cusub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor