Wafdi Ka Socda IGAD Oo Maanta Ku Wajahan Baladweyne

Wafdi balaaran oo ka socda urur goboleedka IGAD ayaa la warinayaa in maanta ay ku wajahan yihiin Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedka socdaalka xubnaha igad ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay maamul usameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Magaaladda Baladweyne ayaa hadda lasoo warinayaa in ay ka socoto qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhaweynayo xubnaha IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jirta sidii loo soo gabagabeyn lahaa maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo muran xoogan uu hareeyay habsami u socodkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor