Dhageyso: Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe Oo Bilaawday Howlgalo Ka Dhan Al shabaab

Afhayeenka Maamulka Ahlu sunnada gobolada Dhexe Mursal Xeefow ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeen howlgalo lagu baacsanayo dagaalamayaasha Al shabaab.

Waxaa uu xusay Afhayeenka in Ahlu-sunna aysan u dulqaadan doonin in deegaanadooda lagu arko dagaalamayaasha Al shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Howlgalka ayuu sheegay in lagu xaqiijinaayo amaanka deegaanadda maamulka Ahlu sunnada gobolada Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor