Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmdug waxaa ku wajahan Maanta Wasiirka Arriamaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo.
Ujeedada Safarka Wasiirka ayaa ah in lagu dhawaaqo Gudigga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Galmudug oo dhawaan halkaas ka furmaya.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargarow ku aadan soo dhaweynta dhamaan martida halkaas tagi doonta dhawaan.
Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre waxaana uu u joogaa halkaas siddii Doorashada Galmudug qaab wanaagsan ugu dhici laheyd.