Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay Safiir Cusub u magacaawday Dalka Mareykanka,iydaoona Muddooyinkii dambe xilkaas uu ahaa mid banaan.
Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay inuu noqdo Safiirka Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doono Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa Muddo Sanad ah wax Safiirka ah ku laheyn Mareykanka,waxaana Cali Shariif Axmed uu noqonayaa Safiirkii 3aad ee Afar Sanno gudahood ee dowladda ugu magacaawdo Mareykanka.
Sidoo kale Safiirka Cusub ee Mareykanka u fadhin doonta Dowladda ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu gaaro Washington si uu la wareego xilka Danjirnimo.
Cali Shariif Axmed ayaa waxaa uu u soo horey u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Faransiiska.