Wafdi uu hogaaminayo Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu wadaa inay gaareen Gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Garbahaareey, Luuq iyo Baladxaawo.
Xubaha Wasiirka wehlinayo waxaa ka mid ah sida la filayo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuutriyadda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka.
Cabdullaahi Goodax Barre sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa marka uu gaaro caasimada Gobolka gedo ee Garbahaareey waxaa uu dhagax dhigo doono gaabo waxbarasho oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka, waxaana uu usii gudbo doonaan magaalada Luuq oo si la mid ah uga dhagax dhigo doono ,
Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa ugu dambeyn kusoo gabagabeyn doonaan safarkooda magaalada Balad-xaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan gooba kale oo lagu xoojinayo waxbarashada gobolka Gedo.