Howlgal laga sameeyay Xaafado ka tirsan Baladweyne

Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Amniga Maamulka Hirshabeelle ayaa xalay howlgalo kala duwan ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Dowladda ayaa howlgalka inta uu socday baaritaano kala duwan ku sameeyay gaadiidka noocyadiisa ee isticmaalayay Wadooyinka Magaalada, iyagoo soo kale su’aalo weydiiayay dadka.

Sidoo kale Ciidamada Booliska Hirshabeelle ayaa xalay xiray wadada laamiga ah ee hormarta Saldhiga Booliska Baladweyne, waxaana la sheegayaan in Ciidamo hor leh la dhigay waddoyinka ku yaalla halkaas.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan howlgalkii xalay laga sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka.

Si kastaba Baladweyne ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay fuliyaan dhalinyaro hubeysan, waxaana todobaadyo kahor halkaas lagu dilay Darawal Mooto bajaajle ahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media