Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa weerar xoogan lagula eegtay xili ay socdaal ku mararay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka oo ahaa mid dhabba-gal ah ayaa Ciidamada dowladda waxaa uu ku qabsaday wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn gaar ahaan deegaanka Warmaxan ee Shabeellaha Hoose, iyadoo weerar kadib uu dhacay dagaal kooban.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerar ay ku qaadeen Ciidanka DANAB ee xoogga dalka, kuwaasi oo lagu tababaray Saldhiga Balidoogle.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dileen 4 Askari oo ka tirsan Ciidamada, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 2 Mooto nooca laba lugaadeyda ah iyo 2 qori oo ay wateen askarta la dilay.
Al-shabaab ayaa marar badan oo kala duwan Ciidamada dowladda Federaalka ku weeraray Waddooyinka ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana waxaa weeraradaas inta badan ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.