Hawlgalka AMISOM waxay sheegeen inay dhamaystireen Dhismo Dayactir oo ay ka wadeen Saldhigga Boliska Degmadda Kaaraan ee magaalladda Muqdisho.
Dib-u-dhiska oo socday dhowr bilood ayaa waxaa lagu maalgeliyey Kaalmo Dhaqaale oo ay Dowladda Japan ugu deeqday Ciiddanka Boliska Somalia.
Taliyaha Boliska Gobalka Banaadir, Jeneral Axmed Xasan Maalin oo ka hadlay Munaasabadda AMISOM lagala wareegayey dayactirka Saldhigaasi waxauu AMISOM ku booriyey inay sii wadaan Dhismaha Awooddaha Ciiddanka Boliska Somalia.
Dhinaca kale, Sarkaalka AMISOM Ugu qaabilsan Arrimaha Rayidka, Christopher Ogwang Aria ayaa sheegay inuu Saldhigga Boliska Kaaraan loogu adeegi doono dhowista Aharciga iyo Amarka ee Degmadda Kaaraan.
Waxa u ucarrabka ku dhuftay inay AMISOM taageero ka geysan doonto sidii loo dayactiri lahaa Saldhigyo badan oo ku yaalla guud ahaan dalka Somalia.