Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ku wajahan yahay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hogaaminayo.
Safarka Donald Yamamoto ee Kismaayo ayaa waxaa ku wehlin doona Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaano AFRICO0M Stephen Townsend iyo xubno kale.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo laba maalin kahor dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.
Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Ambassador Donald Yamamoto.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyinka qaar ee gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland.