Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan waxaa ay ku yeelan doonaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho, kaasi oo saacadaha soo socda furmi doona.
Ajendaha kulanka Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, iyagoona hore Akhrinta Koowaad u marsiiyay Sharcigan.
Shirkaan ayaa waxaa shir Guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo labadiisa Guddoomiye ku-xigeen.
Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare lagu wargeliyay inuu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay soo xaadiran kulankaas si loo dardargeliyo Shaqooyinka.