Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ka jeediyey Wada hadal uu shalay la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Africa, Ambassador Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku joogta Nairobi.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay Maraykanka iyo Midowga Europe kordhiyaan Taageeradooda lagu xoojinayo Ciiddanka Qaranka Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.
Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Africa, Ambassador Linda Thomas-Greenfield oo ka hadashay Kulankaasi ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanka qaaday ficilka Baaqa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee uu kaga codsaday QM hinay oggamiso Xiriirinta Taageeradda Milliteriga ee Somalia.
Waxay intaasi ku dartay inay Maraykanka haatan ku hawlan tahay qorshe ku aadan sidii hal meel la isugu keeni lahaadhamaan Dalalka taageerada Milliteri siiya Somalia, si loo xiriiro Kaalmooyinka Milliteriga iyo Tababaradda.
Bishii la soo dhaafay ayuu Uhuru Kenyatta u gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon inay QM xiriiriso Taageeradda Milliteri ee la siinayo Somalia.
©Radio Dalsan