Ninkaasi oo lagu magacaabo Anthony Sawina oo 2 jir ah ayaa shalay lagu soo oogay toogasho bishii hore ee Ramadaan loo geystay Dhallinyaro Somalia, oo xilligaasi ku sii jeeday Masjidka.
Weerarkaasi oo dhacay bishii June 29da ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah dhallinyarada, kadib, markii la rasaaseeyey gaari ay wateen.
Dhallinyaradaasi aya ku labisnaa Labis Dhaqameedka Muslimiinta ee Khamiiska, waxayna Toogashadaasi u muuqatay Fal nacayb oo ka dhan ah Muslimiinta.
Boliska ayaa sheegay inuu Eedeysanaha rasaas ku furay dhallinyarada Soomaalida, oo uu labo ka mid ah ka dhaawacay Lugaha, kuwaasi oo lagu daaweeyey Isbitaalka.
Dhinaca kale, Eedeysanaha oo ka soo jeeda magaallaadda Lauderdale ee Gobalka Florida ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay 5 fal-dembiyeed oo heerka Labaad ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo Toogashadaasi.
Eedeysanaha oo haatan ku xiran Xabsiga Hennepin Count Jail ayaa la filayaa in mar kale la soo maxkamadeeyo maalinta Isniinta ee soo socota.