Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Kenya, Moses Wetang’ula, ahna Senater Mucaarad ku ah Dowladda Kenya ayaa ka codsaday Maamulka Madaxweyne Uhuru Kenyatta in la soo gebagebeeyo Hawlgalka Milliteri ee ay Askarta Kenya ku galeen gudaha Somalia.
Moses Wetang’ula ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu la hadlayey Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi, wuxuuna ku baaqay in Wiilasha dagaalka loo diray dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.
“Hawlgalka Somalia waxa laga helay Khibrad, waana in Milliteriga Kenya ku soo laabtaan Kenya, si ay u sugaan Amaamnka Xuduudkeenna†ayuu yiri Siyaasigaasi oo taageero xooggan ku leh Aqalka Senedka ee Barlamaanka Kenya.
Moses Wetang’ula iyo Wasiirkii Difaaca ee Kenya, Jeneral Maxamed Haji waxay bishii October 18-dii ee sannadkii 2011-kii ka badbaadeen qarax gaari oo ay Alshabaab kula eegteen mar ay booqasho hawleed ku yimaadeen magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan