Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay inay gaashaanka ku dhufteen Codsi ay Golihii Wasiiradda ee Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki ku doonayeen inay Maraykanka taageero ka siiyaan Talada liidatay ee Kenya oo ku aadanyd Qorshihii Jubbaland.
Shabakadda faafisa Wararka Qarsoonka ee Caalamka (Wikileaks) ayaa faafisay Xogtii ugu dambeysay ee Diplomaasiyadeed, waxayan xustay inuu Kaaliyihii Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Alexander Vershbow uu 26-kii bishii Janaayo ee sannadkii 2010-kii si kala gaar ah ula kulmay Ra’iusl-wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, Wasiirkii Gaashaandhiga Kenya, Yusuf Hagi, Wasiirkii Ammaanka Gudaha, George Saitoti iyo Taliyihii hore ee Ciiddanka Difaaca Kenya, Jerenga.
Dhamaan Saraakiisha Kenya waxay Maraykanka ka codsadeen inay tageeraan Dadaalka Dowladda Kenya ee Deganaanshaha Somalia.
Qorshaha Dowladda Kenya ayaa ahaa inay gacan ka geystaan Dhismaha Maamulka Jubbaland, ka hor intaysan Faragelin Milliteri ku soo gelin gudaha Somalia.
Shabakadda Wikileaks waxay qortay inay Saraakiisha Kenya doonayeen in muhiimadda Koowaad la siiyo Istaraatijiyadooda, waxayna beeniyeen inay Dagaalmayaasha Xarakadda Alshabaab xilligaasi maamulin Dekedda magaalladad Kismaayo.
Kaaliyihii Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Alexander Vershbow waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la tababaro Ciiddanka Dowladda Federalka, inkastoo aysan Maraykanka ka codsanin Kenya inay Tababarkaasi fidiyan.
Kenya waxay bilowday inay tababaraan ilaa 2,000 Askar Soomaali si Askartaasi kula dagaalamaan Alshabaab Goballdd Jubadda Hoose iyo Jubbadda dhexe.
Saraakiisha Kenya waxay sheegeen inay Askartaasi u tababareen Dowladda Federlka oo ka codsatay Tababarkaasi.
Shabakadda Wikileks waxay shaacisay inuu Wasiirkii Difaaca Kenya, Yusuf Haji si crro leh u sheegay inay Beesh Caalamka tageero ku siiyaan Dowladaha Uganda iyo Jabuuti Tababrka Ciiddanka Dowladda Federalka, isla mrkaana ay la yaaban yihiin waxa aysan Beesh Caalamka u doonynin inay Keny ku taageeraan Tababarka Ciiddanka Dowldda Federalka Somalia.
Shabakadda Wikileaks waxay kaloo qortay inuu Raila Odinag xilligaasi ku baraarugsanaa inay suurtogal tahay inay Xeradda Qaxootiga Dhadhaab noqoto goob ay gabaad ka dhigtaan Kooxo uu ugu yeeray Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.
Raila Odinga waxa uu u sheegay Sarkaalka maraykanka in Xuduudka Kenya iyo Somalia weli u furan yahay inay ka soo gudban Kumanaan Qaxooti iyo Hubka Kontorobaanka.
Laakiinse, Wasiirkii Amniga Gudaha Kenya, George Saitoti waxa uu sheegay in loo baahan yahay Taageero Dheeraad ee Lacag iyo Farsamo si loo barbaariyo Dowladda Federalka ee ku jirta waxa uu la barbar dhigay sida Digaaga Yaryar oo kale.
Si kastaba ha ahaatee, Xogta ay Shabakadda faafisa Wararka Qarsoonka ee Caalamka (Wikileaks) soo bandhigtay ayaa muujinaya Qorshaha Qarsoon ee Kenya ka lahayd Dhismaha Jubbaland iyo Faragelinta Milliteri ee ay Askarta Kenya ku soo galeen gudaha Somalia.
©Radio Dalsan