Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareejiyey Hoogaanka Shirka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta.
Soomaaliya Xilkaan heysay lixdii bilood ee lasoo dhaafay shalay ayeyna si-rasmi ah u wareejisay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in mudaddii xilkaas Soomaaliya soo heysay u soo qabsoomeen waxyaabo badan aad u wanaagsan.