Hadal ka soo baxay Askarta Israel ayaa lagu sheegay inay xalay qaadeen Hawlgal lagu soo xiray 4 ka tirsan XAMAAS iyo dhowr kale oo ku sugnaa qeybo ka mid ah Dhulalka La-haysto ee Daanta Galbeed.
Telefishinka Alaqsa ee Reer Falastiin ayaa sheegay inay Askarta Israel xoog ku galeen Tuulladda Sebastiya oo 12 KM dhanka W/galbeed ka xigta magaalladda Nabulis.
Sidoo kale, Askarta Israel waxay hawlgal ka fuliyeen Degmadda Qabatiya iyo Bani Naciim oo 8 KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda Al-khaliil ama Hebron.
Dibadbaxyo iyo Dhagaxtuur ayaa laga hor yimid Askarta Israel ee fuliyey Hawlgalkaasi.
In ka badan 250 qof oo Falastiiniyiin ah ayey Askarta Israel dileen tan iyo bilowgii bishii October ee sannadkii hore.
©Radio Dalsan