Gadood ka dhacay Xabsiga Anisio Jobim oo ku yaalla Degmadda Manaus ee Gobalka Amazonas ee dalkaasi ayaa waxa uu sababay inay Maxaabiista is-dilaan, isla markaana ay afduubtaan 12 ka mid ah Ilaaladda Xabsiga.
Kooxo Gangestaro oo ku xirnaa Xabsiga ayaa la sheegay inuu iska horimaadku dhex maray, kuwaasi oo isku qabtay cidda hoggaaminaysa Nidaamka Maxaabiista ku xiran Xabsigaasi.
Kooxahaasi ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen rasaas iyo biro, waxaana la dilay ugu yaraan 60 Maxbuus, oo qaarkooda surka laga jaray, kuna la gubay.
Rabshadahaasi oo socday muddo 17-saacadood ayaan la ogeyn tirada Maxaabiista ka baxsatay Xabsigaasi oo ay ku xiran yihiin 2,230 Maxbuus.
©Radio Dalsan