Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda (The Uganda People’s Defence Force (UPDF) Jeneral Edward Katumba Wamala ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu shalay booqasho 3 maalmood ah ku yimid magaalladda Muqdisho, si uu ugu kuurgalo Hawlaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Barta Twitterka ee Ciiddanka Uganda ee UPDF ayaa lagu sheegay inuu Taliye Wamala ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dardar geliyaan Isbedelka lagu samaynayo Waaxda Ammaanka iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka ee Somalia.
Jeneral Edward Katumba Wamala waxa uu intaasi ku daray in Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka ee Somalia muhiim u tahay, si ay Ciiddanka AMISOM ugala wareegaan Hawlaha Ammaanka ee guud ahaan Somalia.
Bishii June ee sannadkii hore, waxa uu Sarkaalkaasi sheegay inay bisha December ee sannadkan 2017-ka bilaabi doonaan inay Ciiddankooda kala baxaan Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la joogo xilligii Dowladda Somalia awoodda isugu geyn lahaayeen Sugida Ammaanka iyo La-dagaalanka Alshabaab.
Uganda waxaa Somalia ka jooga Ciiddan tiradooda dhan tahay 6,223 Askari, waana Ciiddanka ugu tirada badan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee joogay Somalia tan iyo sannadkii 2007-dii.Safarka uuTaliyaha Ciiddanka Uganda ku yimid shalay ku yimid magaalladda Muqdisho ayaa ku soo beegantay saacado ka hor inta aysan Qaraxyadda ka dhicin Nawaaxiga Taliska Dhexe ee Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Xeradda Xalane,
©Radio Dalsan